Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa gelinkii dambe ee maanta kormeeray goobta ay ka dhaceyso Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi (Somaliland).
Dugsiga Tababarka Booliska ee General Kaahiye (School Polizio) ayaa loo asteeyay in lagu qabto Doorashada Xildhibaanada Gobolada Waqooyi.
Ra’iisal Wasaaraha oo u kuurgelayay u diyaargarowga doorashada ayaa warbixin ka dhageystay Guddiga Maamulka Doorashooyinka Gobolada Waqooyi ee SEIT iyo Saraakiisha amniga ee doorashada.
Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa kula dardaarmay in ay si hufan u maamulaan howsha doorashada oo la qorsheynayo in ay Isniinta bilaabato.














Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com