Xukuumadda oo meelmarisay Miisaaniyadda 2022

Golaha Wasiirada ee Somaliya ayaa maanta meelmariyay Miisaaniyadda Sanadka 2022, ka dib kulan ay ku yeesheen Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho.

Kulankan oo uu shir guddoominayay Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa golaha lagu horkeenay miisaaniyad dhan 699.1 milyan oo dollar, oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda.

Warbaahinta Qaranka ayaa sheegtay in lacagtan lagu bixin doono adeegyada bulshada, oo ay ka mid yihiin mushaaraadka, caafimaadka, waxbarashada iyo mashaariicda horumarineed.

Miisaaniyadda guud ee Xukuumadda Federaalka ee 2021 ayaa ahayd $671.8 milyan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com