Waxaa mar kale maanta Degmada Waajid ee Gobolka Bakool gaaray qoysas fara-badan, oo maleeshiyada Al Shabaab ay ka soo barakiciyeen duleedyada degmadaasi.
Qoysaskan ayaa barqanimadii maanta gaaray degmadaasi, iyagoo agabyadooda ku sita gaari dameero, waxayna qoysaskan ka mid yihiin dadkii reer miyiga ee duleedyada degmadaasi ku dhaqnaa.
Waajid waxay ka mid tahay Degmooyinka Gobolka Bakool, ee ay horaan go’doomiyeen maleeshiyada Al Shabaab, xaaladda nololeed ee ka jirtana waxaa lagu sheegay mid liidato.
Cabdirashiid Aadan oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Degmada Waajid ayaa sheegaya in qoysaska faraha badan ee degmada ku soo barakacaya ay culeyska uun ku kordhinayaan degmadaasi.
Xildhibaan Cabdirashiid Aadan ayaa Dowladda Federaalka iyo Maamulka Koonfur Galbeedba ugu baaqay in gurmad degdeg ahi ay soo gaarsiiyaan degmadaasi.
“Dowladda Somaliya iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed waxaan u sheegayaa Degmada Waajid cid uma maqna, ceel-na uma qodna, waxaana ugu baaqayaa in gargaar degdeg ah ay la soo gaaraan.” Ayuu yiri Cabdirashiid Aadan.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) oo Sabtidii Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool kula kulmay Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee Qaybta 60aad ayaa faray in la furo wadooyinka degmooyinka ee la go’doomiyay. Madaxweynuhu waxa uu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la furo wadooyinka, si shacabka u helaan amni iyo nolol ka wanaagsan mida hadda ay ku nool yihiin.




Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com