Deni oo Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Wakiilka Hay’adda FAO

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wakiilka Hay’adda FAO ee Somaliya, Etienne Peterschmitt oo maanta gaaray magaaladaasi.

Madaxtooyada Puntland ayaa sheegtay in kulanka looga hadlay mashaariicda Hay’adda FAO ka waddo Puntland iyo sidii loo ballaarin lahaa.

“Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda Hay’adda FAO ka waddo Puntland iyo sidii loo sii laba jibaari lahaa, gaar ahaan mashaariicda la xiriira Beeraha iyo Xoolaha.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa waxaa kulanka ku wehlinayay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka, Beeraha & Isbedelka Cimilada iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland.

May be an image of 1 person, sitting and indoor
May be an image of furniture, chandelier and indoor
May be an image of 2 people, people sitting and indoor
May be an image of one or more people, people sitting and indoor
May be an image of 3 people, people sitting, suit and indoor
May be an image of 1 person and suit
May be an image of 1 person, sitting and indoor
May be an image of 1 person, sitting and indoor
May be an image of indoor
May be an image of furniture and indoor

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com