Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ka bilaabatay Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka, kuwooda ka soo gelaya Gobolada Waqooyi (Somaliland).
Laba ka mida afartan iyo lixda kursi ee Beelaha Gobolada Waqooyi ayaa maanta lagu doortay Magaalada Muqdisho, waxaana ku soo baxay laba nin oo ka mida dowladda iminka jirta.
Doorashada oo ka dhacday Dugsiga Tababarka Booliska ee General Kaahiye ayaa waxaa kursigii 1aad ku soo baxay Mahdi Maxamed Guuleed (Khatar), Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Dalka oo kursigaasi ay kula tartameysay gabar lagu magacaabo Mushtaaq Maxamed Yuusuf. Mahdi Guuleed ayaana ku soo baxay 97 cod, 101 ergo oo wax dooraneysay.

Xildhibaan Biixi Imaan Cilmi oo ka tirsan Baarlamaanka uu waqtigiidu dhammaaday ayaa difaacday kursigiisa, ka dib markii uu ka adkaaday Cabdiraxmaan Xasan Ismaaciil.
Gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Gobolada Waqooyi, Khadar Xariir Xuseen ayaa sheegay in Cabdiraxmaan Xasan Ismaaciil uu helay 9 qof, iyadoo Biixi Imaan Cilmi uu helay 91 cod, halka 1 uu xumaaday.
Kuraasta maanta lagu tartamay ayaa noqonaya kuwoodii ugu horeeyay, bilowna u ah Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com