Madaxweyne Deni oo magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 32 ee 1-da November 2021 kuna saabsan magacaabid Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.
Markuu arkay: Baahida loo qabo dardargelinta amniga.
Markuu la tashtay: Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Puntland.
Markuu Tixgeliyey: Aqoontiisa, kartiisa iyo waayo-aragnimadiisa ciidannimo.

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa S/Guuto Maxamed Cali Xaashi loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

*Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com