Mahdi Guuleed oo difaacay sifaha uu kaga mid noqday Golaha Shacabka

Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Dalka, Mahdi Maxamed Guuleed (Khatar) ayaa maanta ku guuleystay kursiga 1aad ee Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, ka dib doorasho ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Mahdi Guuleed oo kursigaasi ay kula tartameysay gabar lagu magacaabo Mushtaaq Maxamed Yuusuf ayaa kaga guuleystay 97 cod, 101 ergo oo wax dooraneysay.

Tartanka uma muuqan mid xiiso badan, marka aad eegto farqiga codadka, ha yeeshee Mahdi Guuleed ayaa sheegaya in si xor iyo xalaala lagu soo doortay.

“Doorashada waxay ku bilaabatay ishaa macalin ah, aad ka marqaatiga tahay, si xor iyo xalaal ah, diyaargarow leh, tartankuna uu furnaa.” Ayuu yiri Mahdi Guuleed oo Saxaafadda ay wax ka weydiisatay hufnaanta uu ku soo baxay.

Waxa uu intaa ku daray “Guddiga Doorashooyinka Somaliland iyo Federaalkuba waxay baahiyeen qof kastoo musharax ah oo deegaan doorashadan ka soo jeeda uu xor u ahaa inuu u tartamo. Taasaa ishu ka macalinka ahayd, ka marqaatiga ahayd, aaminsanahayna inay u dhacday.”

Xildhibaan Biixi Imaan Cilmi oo ka tirsan Baarlamaanka uu waqtigiidu dhammaaday ayaa difaacday kursigiisa, ka dib markii uu 91 cod kaga adkaaday Cabdiraxmaan Xasan Ismaaciil, sida uu ku dhawaaqayba Gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Gobolada Waqooyi, Khadar Xariir Xuseen.

Labada kursi ee maanta lagu tartamay ayaa noqday kuwoodii ugu horeeyay ee Doorashada Golaha Shacabka ee muddada dheerba la hadalhayay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com