Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay hufnaanta ay ku bilaabatay Doorashada Golaha Shacabka

Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee dalka ayaa bogaadiyay Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee maanta ka bilaabatay Magaalada Muqdisho, laguna soo doortay xubnihii ugu horeeyay.

“Waxaan hambalyo u dirayaa mudanayaasha ugu horeeya ee loo doortay ka mid noqoshada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Somaliya, ee kala ah Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Somaliya iyo Mudane Biixi Imaan Cige, waxaana u rajeynayaa in sida ugu wanaagsan u gutaan metelaadda loo doortay.” Ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Somaliya.

Shariif Sheekh Axmed ayaa yiri “In la guda galo Doorashada Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Somaliya, lagana bilaabo xubnaha metelaya Gobolada Waqooyi ee dalka waa talaabo horey loo qaaday.”

Waxa kaloo uu yiri “Waxaan bogaadinayaa Gudoomiyaha Aqalka Sare, Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Somaliya, Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed iyo Guddiga Doorashada Gobolada Waqooyi, oo qaaday talaabadan wadajirka ah, oo ah mid ku dayasho mudan, isla-markaana muujinaysa isfaham iyo biseyl.”

Shariif Sheekh Axmed ayaa Dowlad Goboleedyada ugu baaqday in sida ugu dhakhsaha badan u guda galaan Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka.

“Waxaan rajeynayaa in Doorashada Golaha Shacabka ee bilaabatay la dardargeliyo, sida ugu dhakhsaha badanna u guda galaan Dowlad Goboleedyada.” Ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed oo warkan ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com