Wasiirka Caafimaadka Galmudug, Cabdiweli Cabdullaahi Jaamac ayaa maanta kormeeray goobaha caafimaadka ee Magaalada Guriceel, oo burbur xoogan uu ka soo gaaray dagaalada toddobaadkii hore ka dhacay magaaladaasi.
Madaafiicdii dagaalka la isku adeegsaday ayaa horseeday inay xirmaan goobahaasi caafimaad. Isbitaalkii Guud ee Istarliin oo ahaa kii ugu dambeeyay ee ka hawlgelayay magaalada ayaana xirmay 24-kii bishii October.
Wasiirka Caafimaadka ayaa si gaar ah u soo kormeeray Isbitaalada Istarliin iyo Kulmiye, waxaana xusid mudan in Isbitaalka Kulmiye uu gebi ahaanba gubtay.
Wasiirka ayaa sheegay in waxyeelada gaartay goobahaasi caafimaad ay tahay mid baaxad leh, wax ka qabashada Isbitaalka Kulmiye-na ay dhaafsiisan tahay wasaaradiisa.
Wasiirka ayaa sheegaya in Galmudug ay haatan isu howshay inay dayactirto qaybta raajada ee Isbitaalka Istarliin, si aanay meesha uga bixin adeeggii uu bulshada u fidinayay.
Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah Hoggaanka Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe ayaa Talaadadii qoraal ku sheegay in goobaha caafimaadka ee Guriceel lagu burburiyay hubkii Ciidanka AMISOM. Sheekha ayaa AMISOM ku eedeeyay in hubkooda ay si sharci darro ah ugu gudbiyeen Ciidamada Dowladda.











Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com