Cutubyo ka tirsan Danab oo tababar loogu soo xiray Balli-doogle

Cutubyo ka tirsan Xoogaga Kumaandooska Soomaaliyeed ee Danab ayaa maanta tababar loogu soo xiray Xerada Tababarka Balli-doogle ee Gobolka Shabellaha Hoose.

General Cabaas Amiin Cali, Taliye Kuxigeenka Ciidanka Xoogga Dalka ayaa tababarka u soo xiray ciidankan, oo noqonaya dufcaddii 7aad ee Kumaandooska Danab.

Taliyaha Guutada 16aad ee Kumaandooska Danab, G/dhexe Axmed Cabdullaahi Nuur (Beeryare) ayaa sheegay in ciidamada tababarka loo soo xiray ay u badan yihiin ardayda sanadkii hore ka qalin jebisay fasalka 12aad ee dugsiyada dalka.

Taliye Kuxigeenka Ciidanka Xoogga Dalka, General Cabaas Amiin Cali oo ka hadlayay munaasbadda tababarka loogu soo xiray ciidankaasi ayaa kula dardaarmay inay si hufan u gutaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday, isla-markaana ay ka dhabeeyaan difaaca Qaranimada Soomaaliyeed.

Kumaandooska Danab oo Mareykanka uu tababaro ayaa u tababaran la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab.

May be an image of 1 person
May be an image of outdoors
May be an image of 3 people, people standing and outdoors
May be an image of 4 people, people standing and outdoors
May be an image of 6 people, military uniform and outdoors
No photo description available.
May be an image of one or more people and outdoors
May be an image of one or more people, military uniform and outdoors
May be an image of 3 people, people standing, military uniform and outdoors
May be an image of outdoors
May be an image of 1 person and outdoors
May be an image of one or more people and outdoors
May be an image of 1 person and outdoors
May be an image of 1 person and outdoors
May be an image of outdoors
May be an image of 1 person and outdoors
May be an image of one or more people and outdoors
May be an image of outdoors
May be an image of sky and text that says 'DANAR :'
May be an image of 1 person
May be an image of 2 people, military uniform and outdoors

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com