Dowladda Itoobiya oo xaalad degdeg ah ku soo rogtay dalkaasi

Ka dib kulan ay Golaha Wasiirada Itoobiya ku yeesheen Magaalada Addis Ababa ayay ka soo saareen in xaalad degdeg ahi lagu soo roggo dalkaasi, sababo ku aaddan xaaladda oo u muuqato mid faraha ka sii baxaysa.

Bayaan ka soo baxay kulanka Golaha Wasiirada oo laga sii daayay Telefishinka Qaranka ayaa lagu sheegay in xaaladaasi ay ka dhaqangeli doonto dalka oo dhan.

Sida ay ku warantay Warbaahinta Dowladda ee FANA xaaladda degdegga ayaa isla hadda ka dhaqangelaysa dalka oo dhan, iyadoo ujeedkuna yahay in shacabka looga badbaadiyo xasuuqa ay gaysayaaan Jabhadda TPLF.

Dagaalka ay Dowladda Itoobiya kula jirto Xoogaga TPLF ayaa u muuqdo mid goobo hor leh ku sii fidaaya, iyadoo xoogagaasina ay sheegteen inay magaalooyin cusub kala wareegeen dowladda.

Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed ayaa Isniintii sheegay in xoogag shisheeye ay ka barbar dagaalamayaan fallaagada Gobolka Tigray ee TPLF.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com