Guddiga Doorashooyinka oo ku baaqay in la dardargeliyo Doorashada Golaha Shacabka

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa Dowlad Goboleedyada ugu baaqay inay bilaabaan Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Guddiga Doorashooyinka ayaa sidoo kale Guddiga Maamulada Kuraasta Beelaha Banaadiriga ugu baaqay inay guda galaan Doorashada Golaha Shacabka, si looga gudbo marxaladda kala guurka.

Isniintii waxaa Magaalada Muqdisho lagu qabtay doorashadii ugu horeysay ee lagu soo doorto laba ka mida Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble kaga mahadceliyay dadaalkiisa ku aaddan qabsoomidda Doorashada Golaha Shacabka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com