Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in gabood-falo ka dhan ah xuquuqda aadanaha ay ka dhaceen Gobolka Tigrayga ee Waqooyiga Wadanka Itoobiya, ka dib baaritaan ay ku sameysay wararka sheegaya in xadgudubyo ka dhaceen gobolkaasi.

Baaritaanka ayaa lagu ogaaday in dhammaan dhinacyada ay gaysteen xadgudubyo ka dhigan in la galay dembiyo dagaal.
Warbixinta baaritaanka ayaa si faah faahsan uga hadashay dil wadareedyo boqolaal qof oo rayid ah loogu gaystay gobolkaasi.
Natiijada baaritaankan ayaa ku soo aadaysa, muddo hal sano ah oo laga jooggo, markii uu Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed amray in la weeraro Ururka TPLF.
Militariga Dowladda Federaalka oo garabsanaya Ciidamada Liyuu Booliska ee Maamulka Amxaarada ayaa 4-tii bishii November ee sanadkii 2020 weeraray TPLF.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com