Hawlgal guryaha lagu baarayo oo laga bilaabayo Addis Ababa

Hoggaanka Nabadgelyada ee Maamulka Magaalada Addis Ababa ayaa sheegay in magaalada laga bilaabi doono hawlgal guri guri ah, oo markaasi amniga lagu xaqiijinayo.

Maamulka ayaa dadka deegaanka faray in cid kasta oo hub haysata ay tahay in muddo laba cisho ah ku keento, si loogu sharciyeeyo.

Maamulka ayaa sidoo kale guddiyada xaafadaha faray in ay dadka isku xiraan, isla-markaana ay la socdaan dhaqdhaqaaqa dadka imaanaya xaafadahooda, door muuqdana ay ka qaataan difaaca magaalada.

Mar sii horeysay warsaxaafadeed ay soo saareen Laamaha Amniga Qaranka ayaa dadka reer Addis Ababa lagu wargeliyay in ay hay’adaha ammaanka la soo wadaagaan aqoonsiyada dadka ay guryaha ka kireynayaan.

Tani ayaa imaanaysa, xilli Xoogaga TPLF ay maalmihii ugu dambeysay magaalooyin hor leh ka qabsanayeen Dowladda Federaalka.

Dowladda ayaa xalay xaalad degdeg ah ku soo rogtay dalka oo dhan, iyadoona u muuqato mid garowsatay inta uu le’egyahay hujuumka fallaagadaasi kaga imaanaya.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com