Wararkii ugu dambeeyay xiisadda ka taagan Degmada Baraawe

Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxaa ka taagan xiisad ka dhalatay Doorashada Golaha Deegaanka ee degmadaasi.

Arbacadii shalay waxaa degmadaasi ka dhacay iska horimaad hubeysan, ka dib markii beelaha qaarkood ay saluug ka muujiyeen saami qaybsiga Xubnaha Golaha Deegaanka.

Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose oo degmadaasi ku sugan ayaa Saraakiisha Ciidanka AMISOM kala hadlay xiisadda halkaasi ka taagan, waana xilli horey AMISOM looga dalbaday inay la wareegto amniga doorashada.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose uu Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ku eedeeyay in ay la safteen beelaha qaarkood.

Dhinaca kale waxaa magaalada ka socda dadaalo lagu doonayo in xiisadaasi lagu qaboojiyo.

Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa gadaal ka riixeysa qorshaha Golaha Deegaanka loogu dhisayo magaalo xeebeedka Baraawe. Baraawe waa Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed, inkastoo maamulkaasi uu si ku-meel-gaar ah ugu shaqeeyo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com