Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa walaac xoogan ka muujiyay xaaladda ka sii dareysa ee dalka Itoobiya.
Golaha Ammaanka ayaa ku baaqay in Dowladda Federaalka iyo kooxaha fallaagaduba ay joojiyaan colaadda.

Golaha ayaa ku booriyay dhinacyadaasi inay ka waan-toobaan hadalada xanafta leh ee sii hurinaya naceybka iyo dhiilada colaadeed, isla-markaana ay ilaaliyaan dadka rayidka.
Iyadoo ay soo xoogeysanayaan baaqyada ku aaddan joojinta colaadaasi ayaa dhinacyada ka arki kartaa, sida ay weli ugu awr kacsanayaan dagaal aan la mahdin doonin.
Dagaalka muddada sanadka ka soconaya Itoobiya ayaa dalkaasi geliyay xaalad hubinti la’aan ah, xaaladda ayaana marba marka ka dambeysa u muuqato mid sii cuslaanaysa.
Itoobiya oo in muddo ahba hoggaamineysay kobaca dhaqaale ee gobolka iyo Afrikaba ayaa la fahamsan yahay in dagaalka ka socdo uu wiiqay dhaqaalihii xawaaraha ku socday ee dalkaasi.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com