Mareykanka iyo Canada oo dadkooda amray inay isaga baxaan Itoobiya

Dowladda Mareykanka ayaa muwaadiniinteeda ku nool dalka Itoobiya ugu baaqday in ay si degdeg ah uga baxaan dalkaasi.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa bogga Internet-ka ee Safaaradda Addis Ababa qoraal digniin ah u marisay muwaadiniinteeda ku sugan dalkaasi.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in sababo dhinaca ammaanka iyo xaaladda dalkaasi oo hubinti la’aan ah awgeed ay si degdeg ah uga baxaan.

Dhinaca kale Dowladda Canada ayaa dadkeeda ku nool dalkaasi Itoobiya ugu yeertay, haddii aanu jooggitaankoodu muhiim ahayn ay tahay inay isaga soo baxaan dalkaasi.

Tani ayaa ku soo aadaysa, xilli uu sii xoogeysanayo dagaalka ay Dowladda Federaalka kula jirto kooxaha fallaagada.

Sagaal jabhadood oo ay ugu tunka weyn yihiin Tigrayga iyo Oromada ayaa Jimcihii Magaalada Washington kaga dhawaaqay isbahaysi ka dhan ah Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed, si ay is bedel uga sameeyaan dalkaasi, ka dib muddo sanad ah oo uu socday dagaal ay dad badani ku dhinteen.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com