Militariga Itoobiya oo dib u hawlgelinaya askartii hore ee shaqada ka fariistay

Taliska Ciidamada Itoobiya ayaa askartii hore ee shaqada ka fariistay ugu yeeray inay dib ugu soo laabtaan safka ciidamada, ayna ka qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah kooxaha fallaagada.

Sida uu daabacay Wargeyska Addis Standard waxaa la weydiistay askartii hore ee weli jir ahaan wanaagsan inay dib ula midoobaan qaybaha kale ee Ciidamada Qaranka.

Taliska Ciidamada ayaa askartaasi ugu baaqay inay isa soo diiwaangeliyaan 10-ka illaa 14-ka bishan, gacana ka gaystaan dadaalada ay Dowladda Federaalka dib ugu caabinayso jabhadaha hubeysan.

Isniintii, Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed ayaa shacabka ugu baaqay inay deegaanadooda ka difaacaan fallaagada.

Dagaalka Itoobiya oo sanad jirsaday ayaa xaaladda dalkaasi ka dhigay mid hubinti la’aan ah, waana xilli ay xiisadda ka sii dareyso.

Colaadda uu dhiigga badani ku daadinayo ee dalkaasi ka taagan ayaa indhaha dunida ku soo jeedisay Itoobiyadii amniga iyo nabadgelyada ku caano maali jirtay tobanaan sano.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com