Qarax ay dad ku dhinteen oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Faah faahino ayaa ka soo baxaya qarax miino oo maanta ka dhacay deegaanka Garasbaaley ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa miino waddada dhinaceeda la dhigay ayaa haleelay mooto ay la socdeen saddex qof oo rayid ah, iyadoona uu bartilmaameedku ahaa gaari ay wateen Ciidamada Dowladda, inkastoo uu qaraxu dhacay markii uu gaariga waddada ka gudbay.

Wararka ayaa intaa ku daraya in mootada uu qaraxu haleelay ay daba socotay gaarigii ay Ciidamada Dowladda wateen.

Inta laga warqabo laba qof oo shacab ah ayaa ku dhintay qaraxaasi, halka mid kalena uu ku dhaawacmay. Dadkan ayaa ahaa kuwii la socday dhugdhugleyda.

Ciidamada Dowladda oo markii dambe halkaasi ka sameeyay baaritaan amni xaqiijin ah ayaa qaraxaasi u soo qabtay tiro dad ah, inkastoo markii dambe ay iska sii daayeen.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxan, balse qaraxyada ceynkani oo kale ah ayaa waxaa looga bartay maleeshiyada Al Shabaab.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com