Digniin adag oo loo jeediyay shacabka Magaalada Kismaayo

Maamulka Magaalada Kismaayo ee Jubbaland ayaa dadka deegaanka uga digay inay u cadaalad doontaan Maxkamadaha Ururka Al Shabaab.

Gudoomiyaha cusub ee Maamulka Magaalada Kismaayo, Cumar Cabdullaahi Maxamed (Faraweyne) ayaa digniin adag u jeediyay dadka xukunada u doonto Al Shabaab.

Gudoomiyaha ayaa sheegay inaanay u dulqaadan doonin in Kismaayo iyo nawaaxigeeda ay ku soo laabtaan dadka xukunada u raadsada Al Shabaab.

“Anigu shaqadaa la wareegay, inta Magaalada Kismaayo aan ka xukumo cidna xukun uma aadi karto Shabaab, warkaasi waa cad yahay soo maaha.” Ayuu yiri Gudoomiyuhu.

Gudoomiyaha ayaa yiri “Meelaha ay jooggaan oo hadda ay haystaan, anaguba idinma dirno oo xukun haka shaqeeyo idinma oranee, ninkii la jooggo ee xoolihiisa ku dhaqanayo anagu ma haysano, laakiin waxa halkaan ka qaadi weydeen oo xukun Jilib geeya idin oran oo anaga idiin dhiibi weynay in la idiin soo dhiibo, oo wiil geedka hoostiisa fadhiya oo gudoomiye degmo sheeganaya, arrintaasi ma aqbalayo.”

Waxa kaloo uu yiri “Hadda goluhu waa seemo, waa marqaati dadku, waana madal ee yaynaan berri isugu imaan, haddii xukunkaasi laga soo qaato marka koobaad waxba kama jiraan, marka labaadna ciddii soo qaadata, sharcigaanu gaynaynaa.”

Cumar Cabdullaahi Maxamed (Faraweyne), Gudoomiyaha cusub ee Kismaayo ayaa dhinaca kale dadka deegaanka ugu baaqay inay laamaha amiga kala shaqeeyaan ammaanka magaalada.

“Nolosha bani’aadamku waxaa saldhig u ah ammaanka, horumarka waxaa saldhig u ah ammaanka, dhammaan waxaa la rabaa dadka reer Kismaayo inta i dhageysanaysa iyo inta hadda halkan fadhidaba inaan ugu baaqo inay la shaqeeyaan laamaha amniga, kalana shaqeeyaan ammaanka.” Ayuu yiri Faraweyne.

Faraweyne ayaa intaasi ku daray “Amniga waxaa hoggaamiya laamaha amniga ee dowladda, laakiin dhinaca kalena waa masuuliyad wadareed, qof walba habeen haddii uu seexdo Kismaayo amnigu qayb buu ka leeyahay inuu wax ka ilaalsho. Sidaasi darteed waxaa lagama maarmaan ah in amniga ka shaqayno, haddii aynaan amniga ka shaqayn, ma samayn karno horumar.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com