James Swan oo Rooble kala hadlay gaabiska hareeyay doorashooyinka

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud Qaramada Midoobey ee Somaliya, Amb. James Swan.

Labada dhinac ayaa kulanka kaga hadlay dardargelinta doorashooyinka dalka, taageerada farsamo iyo dhaqaale ee Beesha Caalamka.

Ra’iisal Wasaare Rooble iyo James Swan ayaa isla gartay, sida ay muhiimka u tahay in la dedejiyo howlaha doorashooyinka.

Kulankan ayaa imaanaya, xilli Beesha Caalamka ay walaac ka muujisay gaabiska iyo dib u dhaca hareeyay doorashooyinka dalka.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa toddobaadkii hore Dowlad Goboleedyada ugu baaqay in ay bilaabaan Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com