Kumanaan qof oo isugu baxay wadooyinka Addis Ababa (SAWIRRO)

Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Addis Ababa ayaa maanta bannaanbax ka dhan ah kooxaha fallaagada ka dhigay magaaladaasi.

Kooxaha fallaagada ee ka soo horjeeda Dowladda Federaalka ayaa weli ku sii siqaaya Caasimadda Addis Ababa, iyagoona ku taamaaya inay xilka ka tuuri doonaan Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed.

Tobanaan kun oo qof ayaa isugu soo baxay Wadooyinka Magaalada Addis Ababa, si ay u muujiyaan taageeradooda dowladda iyo dagaalka ay kula jirto fallaagada.

Bannaanbaxayaasha ayaa ka walaacsan in Xoogaga TPLF qabsadaan magaalada, deetana ay ka gaystaan waxa ay ku sheegeen xumaantii lagu yaqiinay.

Bannaanbaxayaasha qaarkood waxay siteen boorar ay ku qoran yihiin hal-ku-dhigyo ka dhan ah TPLF iyo Jabhadda Xoreynta Oromada ee OLA. Qaar kalena waxay wateen boorar ay ku dalbanayeen in la joojiyo been abuurka ay baahinayaan Warbaahinta Reer Galbeed.

Dhanka kale Garoonka Diyaaradaha Bole ee Magaalada Addis Ababa ayaa laga dareemaya mashquul xoog leh, ka dib markii diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha shisheeye, ay bilaabeen inay isaga baxaan magaaladaasi.

Xiisadda ka oogan dalkaasi ayaa soo jiidatay indhaha dunida, waxa ayna noqotay qodobka ugu horeeya ee warbaahinta gudaha iyo midda caalamkaba.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com