Wasiirka Arrimaha Dibadda oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika ee dalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Wakiilka Midowga Afrika ee dalka ahna Madaxa Hawlgalka AMISOM, Amb. Francisco Madeira.

“Waxa uu kala hadlay arrimaha ammaanka, doorashooyinka dalka, waajibaadka shaqo ee AMISOM iyo qorshaha kala guurka ee Somaliya (STP), oo ah dhabaha qura ee lagu gaari karo xasillooni, amni iyo dowlad dhisidda.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Arrimaha Dibadda.

Warka ayaa lagu yiri “Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka iyo sida loogu baahan yahay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo, sidii loo midayn lahaa dadaalada lagu taageerayo qorshaha kala guurka ee Somaliya, iyadoo laga duulayo sare u qaadidda heerka diyaargarowga cutubyada ciidamada, si ciidamadu ay u noqdaan kuwa dhufeys u ah qaranka, laguna hirto.”

Kulankan ayaa imaanaya maalmo yar uun ka dib, markii Dowladda Federaalka ay dalka ka eriday Simon Mulongo, Kuxigeenkii Wakiilka Midowga Afrika, oo ay dowladdu ku eedeysay inuu fara-gelin ku hayay arrimaha Somaliya.

May be an image of one or more people, people standing and suit
May be an image of one or more people, people sitting, people standing and indoor
May be an image of 1 person, sitting, suit and indoor
May be an image of one or more people and people sitting
May be an image of one or more people, people sitting, people standing and indoor
May be an image of one or more people and people sitting
May be an image of one or more people, people sitting, people standing and indoor
May be an image of 3 people, people sitting and people standing
May be an image of 3 people and people standing
May be an image of one or more people and people standing
May be an image of one or more people and people standing
May be an image of one or more people, people standing and suit
May be an image of 3 people, people standing, suit and indoor

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com