Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax, Hoggaamiyaha Guud ee Ahlu Sunna Waljameeca ayaa ka horyimid in siyaasiyiinta qaarkood, ay Ahlu Sunna la meel dhigaan maleeshiyada Al Shabaab.
Ka dib markii Xoogaga Ahlu Sunna ay 1-dii bishii hore ee October la wareegeen gacan ku haynta Magaalada Guriceel ayaa Xildhibaanada deegaan doorashadoodu tahay Galmudug ay xoogagaasi ku tilmaameen kuwo aan waxba kaga duwanayn maleeshiyada Al Shabaab.
Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax ayaa tilmaamay in Ahlu Sunna ay tahay middii dhowr iyo tobanka sano Shabaab kula dagaalameysay Gobolada Dhexe, kana dhigtay goob xasilloon oo ammaan ah.
Macalin Maxamuud ayaa sheegay inay doonayaan in heshiis awood qaybsi ah ay la gaaraan Maamulka Galmudug, maadaama ay markii horeba ahaayeen maamulo wax isku darsaday.

Hoggaamiyaha Guud ee Ahlu Sunna Waljameeca, Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax oo BBC la hadlay ayaa sheegay in daba-yaaqadii bishii October ee Guriceel uga baxeen dadaalo ay garwadeen ka ahaayeen dhinacyo kala duwan, ayna Galmudug diidan tahay in horumar laga sameeyo waan-waantii xilligaasi laga dhex bilaabay.
Hoggaamiyaha Ahlu Sunna ayaa xusay in Dowladda Federaalka iyo Galmudug ay qaadanayaan masuuliyadda tobanaanka qof ee ku dhintay dagaalkii Guriceel.
Macalin Maxamuud ayaa nasiib darro ku tilmaamay dagaalkaasi, isaga oo intaasi ku daray in dad gaar ahi ay dhabarka ka riixayeen in colaadda intaasi le’eg ka dhacdo Magaalada Guriceel, oo ah Xaruntii hore ee Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe.
Dadka odoroso siyaasadda dalka ayaa sheegaya inay suurtagal tahay in Xoogaga Ahlu Sunna ay mar kale qabsadaan deegaano ka tirsan Galmudug, haddii Galmudug ay dhegaha ka fureysato damacooda siyaasadeed, waana xilli diidmada Galmudug ay haatanba muuqato.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com