Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta la kulmay Safiirka Denmark ee Somaliya iyo Kenya, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland.

Kulanka ayaa la sheegay in looga hadlay abaaraha ka jira deegaano ka mida Jubbaland iyo weliba arrimaha doorashooyinka ee dalka.
Qoraalka ayaa u qornaa “Madaxweynaha Dowladda Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan la qaatay Safiirka Denmark ee Somaliya iyo Kenya, Danjire Ole Thonke.
Kulanka ayaa Lagaga hadlay abaaraha ka jira qaybo ka mid ah Jubbaland, kuwaas oo saamayn ku yeeshay nolosha dadka iyo xoolaha, iyadoo gurmad baaxad leh ay Dowladda Jubbaland waddo, kaas oo lagu taageerayo dadka ay dhibaatada abaartu saamaysay.
Waxaa kale oo masuuliyiintu ay wada hadal qoto dheer ka yeesheen arimaha doorashooyinka.”
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com