Rooble oo qaabilay Kaaliyaha Xoghayaha Guud QM ee Afrika

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku qaabilay Kaaliyaha Xoghayaha Guud Qaramada Midoobey ee Arrimaha Afrika, Mss. Martha Ama Akyaa Pobee oo booqasho ku timid dalka.

Ra’iisal Wasaaraha iyo Kaaliyaha Xoghayaha Guud QM ee Afrika ayaa ka wada hadlay qodobo ay ka mid yihiin arrimaha doorashooyinka dalka, gaar ahaan xaqiijinta qoondada haweenka 30% ee Baarlamaanka Federaalka.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday Hawlgalka Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika (AMISOM), mashaariicda horumarinta ee Qaramada Midoobey ka fuliso Somaliya iyo xoojinta wada shaqeynta Dowladda Federaalka iyo Hay’adaha Qaramada Midoobey.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Wakiilka Xoghayaha Guud Qaramada Midoobey ee Somaliya, Amb. James Swan.

May be an image of one or more people, people sitting and indoor
May be an image of 1 person, sitting and suit
May be an image of 1 person, sitting and indoor
May be an image of 4 people, people sitting, suit and indoor
May be an image of 1 person, sitting, suit and indoor
May be an image of one or more people and indoor
May be an image of one or more people, people standing and suit
May be an image of one or more people, people standing and indoor

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com