Xero lagu tababaro Ciidamada Dowladda oo qarax uu ka dhacay

Faah faahino ayaa ka soo baxaya qarax caweyskii xalay ka dhacay Xerada Tababarka ADC ee Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Xeradan oo ku taala afaafka hore ee Degmada Baardheere ayaa muddooyinkii ugu dambeysay lagu tababarayay ciidamada.

Jugta qaraxa oo laga maqlay qaar ka mida xaafadaha Baardheere ayaa waxaa xigay rasaas ay furayn ilaalada xeradaasi, inkastoo aysan cidina ku waxyeeloobin rasaastaasi.

Sarkaal ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee degmadaasi ayaa Universaltv u sheegay in hal askari uu ku dhintay qaraxaasi, halka saddex kalena ay ku dhaawacantay.

“Abaarihii 10:00pm ayuu qaraxa ka dhacay Dugsiga Tababarka Ciidamada ee ADC, miino bayna ahayd oo xerada lagu dhex aasay. Askari baa ku dhintay, saddex kale ayaa ku dhaawacantay, oo midi ay xaaladiisu garaab tahay, intaba waxay ahaayeen ciidamadii dhibowga ku jiray.” Ayuu yiri Sarkaalkan oo codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan.

3-dii bishii October ayay ahayd, markii mooto bajaaj miineysan lagu weeraray gaari uu la socday Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Baardheere, Jaamac Cali Cabdi (Hire), oo si xun ugu dhaawacmay qaraxaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com