Cagjar oo sheegay in quwado shisheey ku hardamayaan Itoobiya

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) ayaa ka hadlay dagaalka waqooyiga Itoobiya, ee muddooyinkii ugu dambeysay ku fidaayay bartamaha dalkaasi.

Madaxweynaha oo wareysi siiyay VOA ayaa qaba in dagaalka ay ku hardamayaan quwado shisheeye, kuwaa oo daneynaya gacanta ku haynta Badda Cas iyo Geeska Afrikaba.

“Way ii muuqataa in dagaalkan uu yahay dagaal ka ballaaran qowmiyadaha loo nisbeynayo inay is leynayaan ee dalka gudahiisa.” Ayuu yiri Madaxweynaha oo intaa ku daray “Haa way i muuqataa inuu yahay dagaal ka ballaaran.”

Waxaa uu sheegay in dagaalka ay ku adkaan doonto cidda ay taageersan yihiin shacabka ku sugan meelaha qaar, ee ay dagaaladu ka socdaan.

“Cidda ku adkaaneysaa waa cidda ku taagan waddada saxda ah. Waa cidda shacabka dhulka joogga iyo meelaha lagu hardamayo joogga, deegaankaynana ku daroo ay taageersan yihiin.” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Madaxweynaha ayaa sheegaya in qorsheyaal uga degsan yihiin xiisadda ka taagan dalkaasi, sida dhinaca amniga. xagga abaabulka shacabka iyo waxyaabo kale, oo marka ay lagama maarmaan noqoto sida uu yiri ay ku dhaqaaqi doonaan.

“Waxaa noo qorsheysan deegaan Soomaali ahaan, marna inaanay gacanta u gelin masiirka Soomaaliyeed cid kale, TPLF ha noqoto ama kuwa dhabarka TPLF intay soo fuulaan inay dib halkan mansab uga raadiyaan ku haminaya, marna ma dhaceyso in arrintaasi dib loo qaato, tallaabooyinkoodana waan bilownay.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha oo wax laga weydiiyay xaaladda amni ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa ku jawaabay “Boqolkiiba boqol deegaanku waa amni, wuxuu amni ku yahay waxaa weeye shacabka oo nabadgelyadaasi udub dhexaad u ah, hay’adaha amniga oo habeen & maalin shaqeynaya iyo iyadoo xukuumadda ay xoogga saartay inay ka jawaabto baahiyaha shacabka ee kala duwan.”

Su’aal ahayd sida Dowlad Deegaanka u saamayn doono xaaladda degdegga ee dalkaasi lagu soo rogay ayaa tilmaamay in xaaladda deegaankooda ay ka duwan tahay dalka intiisa kale, haddana ay u adeegsan doonaan inay kaga hortaggaan kuwa maleygaya inay qalqal ka abuuraan deegaankooda.

“Sida qawaaniinta wadanka ka soo baxday baan u wadi doonnaa, ka badbadin inaan ku darno maaha, waayo deegaankayaga xaaladiisu way ka duwan tahay xaaladda guud ee dalka dhab ahaan marka laga hadlo, laakiin xaaladaa degdegga ah waxaa iyana xaqiiqo ah inay jiri doonaan dadyow, maadaama uu dalku qalqal inuu galay aragti ah ay qaateen, inay isku dayaan deegaanka inay qalqaliyaan. Marka waxaan u adeegsan doonnaa inaan kaga hortagno wixii xumaan iyo wixii amni darro ah ee deegaanka ka dhacaya.” Ayuu yiri Mustafe Muxumed Cumar, Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Madaxweyne Cagjar ayaa tibaaxay in shacabka Soomaalida looga baahan yahay inay meel uga soo wada jeestaan xiisadda ka jirta dalkaasi, isla-markaana ay midnimadoodu noqoto mid mabda’ iyo mowqif cad ku dhisan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com