Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle oo qaabilay Wasiir Foosiya

Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle, Cabdixakiin Xaaji Maxamed Luqmaan ayaa maanta Magaalada Jowhar ku qaabilay wafdi ay hoggaaminayso Wasiirka Caafimaadka Somaliya, Foosiya Abiikar Nuur.

Kulanka ayaa looga hadlay baahida caafimaad ee ka jirta deegaanada Hirshabelle iyo sidii wax looga qaban lahaa, iyadoo Wasiir Foosiya ay qalab caafimaad ku wareejisay Gudoomiyaha Baarlamaanka.

“Kulanka Kusimaha Madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabelle iyo Wasiiradda waxaa looga wada hadlay, sidii wax looga qaban lahaa xaaladda caafimaad ee ka jirta Hirshabelle.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Baarlamaanka Hirshabelle.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Sidoo kale Wasiiradda ayaa ku wareejisay Gudoomiyaha agab caafimaad oo loogu talagalay in lagula tacaalo shacabka Jowhar, waxaana kulanka Gudoomiyaha ku wehlinayay Wasiirka Caafimaadka Hirshabelle, masuuliyin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka iyo Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe.”

May be an image of 2 people, people sitting and people standing
May be an image of 2 people, people sitting, people standing and indoor
May be an image of 2 people, people sitting, people standing and indoor
May be an image of 4 people, people sitting and people standing
May be an image of 4 people, people sitting, people standing and indoor
May be an image of 3 people, people sitting and indoor
May be an image of 3 people, people sitting, people standing and indoor
May be an image of 2 people, people sitting, people standing and indoor

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com