Somaliya oo 30 sano ka dib bixisay ruqsad duuliye (SAWIRRO)

Dowladda Somaliya ayaa maanta ruqsad siisay afar duuliye, kuwaa oo noqonaya duuliye-yaashii ugu horeeyay ee ogolaansho siiso, tan iyo markii ay Somaliya dib ula soo wareegtay Maamulka Hawadeeda.

Duuliye-yaashan ayaa ka tirsan Shirkadda Diyaaradaha ee Freedom. Laysanka la siiyay ayay ku duuli karaan, iyagoo adeegsanaya magaca Jamhuuriyadda Somaliya.

Duraan Axmed Faarax, Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada Somaliya ayaa tallaabadan ku sheegay guul kale, oo u soo hooyatay Maamulka Hawada.

Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shahaadada Duullimaadka Hawada iyo Rusqadda Duuliyenimo guddoonsiiyay Shirkadda Freedom Air iyo Duuliyeyaasha Soomaaliyeed.

Waxay noqonaysaa markii ugu horeysay oo Dowladda Somaliya ay bixiso ogolaanshaha duuliyenimo, muddo 30 sano ah.

Dowladda Federaalka ayaa Maamulka Hawada la soo wareegtay bishii December ee sanadkii 2017, oo wixii ka dambeeyay burburka Dowladdii Dhexe ee maamulkeeda gacanta ku hayeen hay’ado shisheeye.

May be an image of 5 people and people standing
May be an image of 5 people and people standing
May be an image of 6 people, people standing and text that says 'Freedom airline XA' SH Ha 5 DDA ADAD. DA(AO DA JULIMA'
May be an image of 5 people and people standing
May be an image of 3 people and people standing
May be an image of 8 people and people standing
May be an image of 5 people and people standing
May be an image of 5 people and people standing
May be an image of 5 people and people standing
May be an image of 4 people and people standing

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com