Wararka ka imaanaya Degmada Kaaraan ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in casir liqii maanta degmadaasi lagu dilay laba nin, oo ka mid ahaa Shaqaalaha Gaadiidka Nadaafadda ee Gobolka Banaadir.
Labadan nin, midkood waxa uu darawal ka ahaa gaari markaasi qashin ka qaaday magaalada, kuna sii jeeday duleedka Degmada Kaaraan, balse ay dhacdadan ku qabsatay nawaaxiga Saldhigga Booliska ee degmadaasi.
Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya qaabka uu dilkoodu u dhacay iyo weliba cidda dishay, warka xoogiisa ayaase sheegaya inay haleeshay rasaas ay furayn Ciidanka Booliska ee Saldhigga Kaaraan, xilli ay kala eryayeen dhallinyaro is tuuryeynaysay.
Fiidnimadii caawa ayaa meydadka raggaasi la geeyay Xarunta Hay’adda Dembi Baarista ee CID, si baaris loo marsiiyo meydadkooda, ka hor inta aan eheladooda loo ogolaan inay aasaan.
Darawalka gaariga oo lagu magacaabi jiray Farxaan Maxamuud Maxamed ayaa caan ka ahaa Magaalada Muqdisho, iyadoona uu muddo dheer ka shaqeynayay gaadiidka dadweynaha ee isugu kala goosha magaalada.
Cabdullaahi Maxamuud Maxamed ayaa Universaltv u xaqiijiyay geerida ku timid walaalkii Farxaan Maxamuud, oo da’dii ka weyneyd ahaa.
Cabdullaahi Maxamuud ayaa ku waramaya inaanay aasi doonin marxuumka, illaa iyo inta laga caddeynayo ciddii dishay walaalkii.
“Alle ha u naxariisto walaalkay Farxaan Maxamuud waa dhintay. Annaga go’aanka aan qaadanay wuxuu yahay inaanan aasin meydka, iyadoo aan la helin ninkii dilay. Meydka waxaan geynaynaa isbitaal, firinjeer ayaan gelinaynaa.” Ayuu yiri Cabdullaahi Maxamuud.
Laamaha amniga, Maamulka Degmada Kaaraan iyo Waaxda Nadaafadda ee Gobolka Banaadir ayaan weli ka hadlin shilkan ka dhacay Degmada Kaaraan.