Xubnaha Golaha Deegaanka Baraawe oo Gudoomiye doortay (SAWIRRO)

Xubnaha Golaha Deegaanka ee Degmada Baraawe ayaa waxay galabta Dr. Liibaan Abuukar Cismaan u doorteen inuu noqdo Gudoomiyaha Golaha Deegaanka ee degmadaasi.

Dr. Liibaan Abuukar ayaa doorashada kaga adkaaday Gudoomiyihii hore ee Degmada Baraawe, Cumar Sheekh Cabdi.

Doorashada oo qarsoodi ahayd ayaa waxa uu Liibaan Abuukar helay 18 cod, iyadoo Cumar Sheekh Cabdi uu helay 7 cod, halka 2 cod ay xumadeen.

Sidoo kale Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ayaa loo doortay Ismaaciil Cabdullaahi, halka Sahra Abuukar Cali loo doortay inay noqoto Gudoomiye Kuxigeenka 2aad.

Doorashada maanta ka dhacday Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa imaanaysa, ka dib markii la xaliyay xiisadda toddobaadkii hore ka dhalatay qaabka saami qaybsiga ee Xubnaha Golaha Deegaanka, oo beelaha qaarkood ay saluug ka muujiyeen.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com