Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye ayaa shir gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada DGM oo galabta ka qabsoomay Aqalka Madaxtooyada Galmudug.
Shirka Golaha Wasiirada ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin Miisaaniyadda Dowladda Galmudug ee 2022, Xeerka Biyaha iyo xaaladaha biyo la’aaneed ee soo food saaray deegaanada Galmudug.
Golaha Wasiirada ayaa dood iyo fallanqayn ka dib ansixiyay Miisaaniyadda 2022 ee Dowladda Galmudug iyo Xeerka Biyaha.
Ugu dambayntii Golaha Wasiirada ayaa baaq u diray Dowladda Federaalka Somaliya iyo Beesha Caalamka, sidii degdeg wax loogu qaban lahaa dadka ku dhaqan deegaanada Galmudug ee dhawaan biyo la’aanta baahsan ay soo food saartay.
-Dhammaad-













Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com