Hormuud Telecom oo la guddoonsiiyay abaalmarino kala duwan

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Abaalmarinta ee Ganacsiyada Soomaaliyeed ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiiro, Xildhibaano, Senatorro, Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir iyo Madaxda Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, waxaana Shirkadda Hormuud Telecom lagu guddoonsiiyay abaal marino kala duwan.

Gudoomiyaha Hay’adda Abaalmarinta Ganacsiyada Soomaaliyeed (Somali Business Award), Ridwaan Yuusuf Xaaji ayaa sheegay in shirkadaha guuleystay ku muteysteen cod bixin ku dhacday hab electronic ah, oo ay ka qay bqaateen dad ku dhow 500,000 oo Soomaali ah, kuwaas oo ku kala nool dunida dacaladeeda.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Hidaha & Tacliinta Sare, Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabir) oo ka mid ahaa madaxdii ka qaybgashay munaasabadan ayaa ku dhawaaqay in Shirkadda Hormuud ay sanadka 2021 ku guuleysatay shirkadda ugu wanaagsan ee isgaarsiinta dalka.

Dhanka kale waxaa isla munaasabadan Shirkadda Hormuud lagu guddoonsiiyay billadda shirkadda ugu fiican ee dhinaca gargaarka iyo ka qayb qaadashada arrimaha horumarinta ee bulshada.

Hay’adda ayaa sheegtay in shirkadda ay abaal gudkaan ku muteysatay kaalintii ay ka gaysatay la tacaalidda caabuqa COVID-19 oo isugu jiray lacago Cash ah, haamaha oksijiinta, dhismooyin isbitaalo iyo xarumo kale oo caafimaad, taasoo wax weyn ka tartay ka hortagga cudurkaas, iyadoo Hormuud Telecom ay markii ugu horeysay dalka ka hir gelisay warshad Oxygen-ta soo saarta, si xal loogu helo baahida Oxygen la‘aanta ee dalka ka jirta.

Maxamuud Cabdikariin Gabeyre, Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaaliyeed oo billadaha guddoonsiiyay Shirkadda Hormuud ayaa martidii munaasabadaasi ka qaybgashay u sharaxay waxyaabihii ay ku muteysatay billadahan kala duwan.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shirkadaha la abaal mariyay ku bogaadiyay adeegyada hufan, ee ay bulshada u hayaan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com