Rooble oo xarigga ka jaray Dugsiga Beeraha ee Balcad (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta xarigga ka jaray Dugsiga Beeraha oo dhaawaan laga hirgeliyay Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa kormeeray qaybaha kala duwan ee dhismaha Dugsiga Beeraha, isagoo warbixino ka dhageystay Maamulka Dugsiga.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa sheegay barashada wax soo saarka dalku in ay faa’iido weyn u leedahay isku tashiga bulshooyinka, loona baahan yahay in dugsigani uu soo saaro aqoonyahanno Soomaaliyeed oo ka faa’iideeya khayraadka dalka.

Dhanka kale, Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa uga mahadceliyay odayaashii iyo guddigii isu xilqaamay badbaadinta Warshaddii Dharka ee Balcad, ayna mudan yihiin bilad sharaf.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com