Xoogaga Danab oo hawlgalo ka fuliyay Gobolka Jubbada Hoose (SAWIRRO)

Xoogaga Kumaandooska Danab oo kaashanaya Daraawiishta Jubbaland ayaa maanta hawlgalo ka sameeyay deegaanada Labi-kuus, Qudus, Yaaq-dabeyl iyo Dharkayn, oo dhammaantood hoos-tagga Magaalada Kismaayo.

Hawlgalada ayaa ahaa kuwo ka dhan ah maleeshiyada Al Shabaab, iyadoona ay ciidamada ku burburiyeen goobo ay deegaanadaasi kaga sugnaayeen maleeshiyada iyo maxkamad la sheegay inay ku lahaayeen.

Geba-gabadii hawlgalada Saraakiisha Ciidamada ayaa halkaasi kula hadlay dadka deegaanka, oo ay ka codsadeen inay la shaqeeyaan Ciidamada Qaranka, soona sheegaan haddii wax ka harayn mintidiinta Al Shabaab.

Ciidamada ayaa ugu dambayn dadka ku dhaqan deegaanadaasi u fidiyay kaalmo kala duwan, waana xilli Shabaabka lagu eedeeyay inay cunaqabateen ku hayeen dadka deegaanka.

Dadka deegaanka ayaa ciidamada u sheegay inay baahi badan u qabeen kaalmada ay haatan soo gaarsiiyeen.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com