Rooble oo kulan la yeeshay Madaxda Dowlad Goboleedyada

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay shir guddoomiyay shir ay aaladda foggaan aragga ku yeesheen Golaha Wadatashiga Qaranka.

Kulanka ayaa ahaa mid diiradda lagu saarayay dardargelinta Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

Shirka ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada oo kala Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen), Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed.

Geba-gabadii kulanka ayaa la isku afgartay in si degdeg ah dhammaan Dowlad Goboleedyada looga bilaabo Doorashada Golaha Shacabka, laguna soo geba-gabeeyo, si looga fogaado dib u dhac ku yimaada doorashooyinka dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com