Rooble oo kulan qado & duco loogu sameeyay Muqdisho (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Magaalada Muqdisho kaga qaybgalay kulan qado sharaf ah, oo Odayaasha Dhaqanka ay ku taageerayeen doorkiisa hoggaamineed ee arrimaha doorashooyinka ee dalka.

Odayaasha Dhaqanka ayaa Ra’iisal Wasaaraha ugu duceeyay in Alle kula garab galo howsha baaxadda leh ee doorashada, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiskiisa.

“Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta ka qaybgalay munaasabad qado sharaf ah, oo ay qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ku taageerayeen waxqabadka Ra’iisal Wasaaraha, iyagoo ugu duceeyay inuu Eebbe ku garab galo, howsha doorashada dalka ee uu hormuudka u yahay.” Ayaa lagu sheegay qoraalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com