Shariifka oo hoygiisa ku qaabilay Ra’iisal Wasaare Rooble (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta hoygiisa ku hooqday Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed, oo ay ka wada hadleen dardargelinta howlaha doorashooyinka ee dalka.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa Madaxweynihii hore uga warbixiyay halka ay marayaan howlaha doorashooyinka, ee uu hormuudka ka yahay.

Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa isla gartay, sida ay lagama maarmaan u tahay in degdeg loo bilaabo Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka, lana soo geba-gabeeyo ka hor dhammaadka sanadka.

Isagoo ka duulaya mudnaanta ay leedahay dedejinta howlaha doorashooyinka ayuu Ra’iisal Wassare Rooble xalay habka foggaan aragga kulan kula yeeshay Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, oo uu ku booriyay in ay Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ku soo geba-gabeeyaan inta aysan dhammaan bisha soo socoto ee December.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com