Senator Cabdi Qaybdiid oo difaacday kursigiisa Aqalka Sare

Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa maanta qabtay doorashada laba xubnood oo ka harsan xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya.

Doorasho ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ayaa dib loogu doortay kursigii uu ku fadhiyay Senator Cabdi Xasan Cawaale (Cabdi Qaybdiid. Waxaa isna doorashada maanta ku soo baxay Cabdi Cismaan Xareed oo noqonaya Senator cusub oo Galmudug ku meteli doona Aqalka Sare.

Doorashada ayaa u dhacday qaab gacan taag ah ka dib markii ay tanaasuleen musharraxiintii kale ee kuraastan kula tartami lahaa ragga la doortay.

Xubnaha maanta lagu doortay Magaalada Dhuusamareeb ayaa ahaa kuwoodii ugu dambeeyay ee ka harsanaa Aqalka Sare.

Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa guul weyn ku tilmaamay in la soo geba-gabeeyo Doorashada Senatorada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.