Dadaaladii laga dhex waday Galmudug iyo Ahlu Sunna oo fashilmay

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in saraakiil ka tirsan Dowladda Somaliya oo dhexdhexaadin ka dhex waday Maamulka Galmudug iyo Ahlu Sunna ee ku sugan deegaanka Bohol oo u dhow Magaalada Dhuusamareeb, ay dadaaladaasi ku soo dhammaadeen guul darrom, ka dib markii sida ay sheegeen mas’uuliyiinta howsha ku jiray ay dhinicii Ahlu sunna wax ka socon waayen halka dhanka Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) uu ka ogolaaday waan-waanta ay wadeen wafdiga Saraakiisha ah.

General Aadan Abshir Nuurre (Laba Afle) oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka, isla-markaana hoggaaminayay Saraakiisha waday dadaalada la isugu soo dhaweynayo Galmudug iyo Ahlu Sunna oo warkiisa ay baahisay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Bohol ay ku sugaanaayeen 12 cisho oo ay xal raadis ahaayen.

Wuxuu sheegay in ay la kulmeen Sheekh Shaakir, ayna waydiiyeen waxa ay tabanayaan, isla-markaana iyagu u gudbiyeen wixii ay u arkayeen in mar kale looga baaqsan karo dagaal ka dhaca deegaanada Galmudug.

General Laba Afle ayaa sheegay in waxa ay tabanayaan Ahlu sunna ay yihiin waxyaabo aysan Galmudug hadda wax ka qaban karin ayna diideen Ahlu sunno nabaddii ay wadeen iyo wixii ay xalka u arkayeen.

Ma jiro illaa iyo hadda war ka soo baxay dhanka Ahlu sunna oo la xiriira wararka sheegaya in dhankooda ay ka hirgali waayeen dadaallo lagu doonayay in lagu dhameeyo khilaafka iyaga iyo mamaulka Galmudug u dhaxeeya.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com