Dib-qalooc 453 qof ku qaniinay dalka Masar, 3 qof ayaa u dhimatay

Dib-qalooc ama hangaralle ayaa dalka Masar ku dilay saddex qof , halka kuwa kalana uu dhaawacyo gaarsiiyay.

Dhacdadn ayaa ka dhacday magaalada Aswan ee koonfurta dalka Masar, ka dib markii dabeylo xoogan ay ku dhufteen wadooyinka iyo guryaha dalkaasi.

Illaa 450 qof oo kale ayaa dhaawacmay, ka dib markii dib-qaloocyadan ay qaniineen, sida uu sheegay Sarkaal ka tirsan Wasaaradda caafimaadka.

Roobka sita dabeylaha xooggan iyo onkodka ee ka da’ay agagaarka webiga Nile Jimcihii ayaa ahaa mid dhibaatooyiin gaystay.

Dib-qaloocyada iyo masaska ayaa marka ay da’aan roobabka mahiigaanka ah waxaa soo qaada biyaha iyo dabeylaha xooggan markaasi oo wadooyiinka lagu arko islamrkana ay dadka waxyeeleeyaan.

Waxaa xarumaha caafimaadka ee tuulooyinka u dhow buuraha iyo saxaraha la geeyay daawooyiin dheeraad ah oo ah kuwa ka hortaga sunta, sida uu Sarkaal caafimaad u sheegay Wakaaladda Wararka ee Al-Ahram.

Dadka ayaa loogu baaqay inay guryahooda jooggaan, oo ay ka fogaadaan meelaha geedaha badan leh.

Dalka Masar waxa ku nool laba nooc oo ah dib-qaloocyada ama hangaralaha leh seenta buuran, isla-markana ka mid ah kuwa ugu dilaasa caalamka.

Sunta dib-qalooca madow ee leh seenta buuran ayaa waxay qofka bani’aadamka ku dili kartaa wax ka yar saacad.

Calaamadaha lagu arko qofka uu qaniino ayaa waxaa ka mid ah neefsashada oo qofka ku adkaata, murqaha oo gariira iyo madaxa oo sameeya dhaqdhaqaaq aan caadi ahayn.

Dawada ka hortagta sunta ayaa loo isticmaalaa qofka ka hor inta aanay astaamuha sunta aysan soo bixin, laakiin sidoo kale ay shaqayn kartaa marka sunta ay qofka saaqdo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com