Galmudug oo qabatay markab laga leeyahay Shiinaha (SAWIRRO)

Ciidanka Ilaalada Xeebaha Galmudug ayaa gelinkii dambe ee Sabtidii shalay gacanta ku dhigay markab kalluumeysi, oo si sharci darro ah uga kalluumeysanayay Xeebaha Gobolka Mudug.

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Degmada Hobyo, Cabdiraxmaan Cali Dhurwaa ayaa sheegay in markabkaasi laga soo qabtay deegaano hoos-tagga Degmada Hobyo.

Taliyaha ayaa sheegay in Ciidanka Ilaalada Xeebaha Galmudug ay maalmihii ugu dambeysay wadeen hawlgalo ka dhan ah maraakiibta, sida sharci darrada ah uga kalluumeysta Xeebaha Gobolada Dhexe.

“Waxay maalmahaanba Ciidanka Ilaalada Xeebaha Galmudug ay wadeen hawlgalo ka dhan ah maraakiibta sharci darrada ah uga kalluumeysanaya Xeebaha Galmudug.” Ayuu yiri Taliyaha oo la hadlay VOA.

Waxa kaloo uu yiri “Ciidanka Ilaalada Xeebaha Galmudug awoodooda yaysan badnaan, laakiin awood ku filan in ay baddooda ku difaacdaan amaba kaga hortaggaan wax walba oo ku soo xadgudbaya, way leeyihiin.”

Taliyaha oo xaqiijiyay in markabkaasi laga leeyahay dalweynaha Shiinaha ayaa dhanka kale ku waramay inay saaran yihiin 17 shaqaale, oo u kala dhashay wadamada Shiinaha, Indonesia iyo India.

“Markabkan waxaa laga leeyahay dalka Shiinaha, sida ay ku warbixiyeen shaqaalaha saaran. 17 qof ayaa saaran oo u kala dhashay Shiinaha, Indonesia iyo India. Shaqaalaha saddexdaas dal ayay u kala dhasheen, laakiin markabka waxaa laga leeyahay Shiinaha.” Ayuu yiri Cabdiraxmaan Cali Dhurwaa, Taliyaha Ilaalada Xeebaha Hobyo.

Taliye Dhurwaa ayaa tilmaamay in howsha markabkaasi ay la wareegayaan Wasaaradaha Kalluumeysiga & Amniga ee Galmudug, si sharciga ula tiigsadaan shaqaalaha saaran. Sida uu sheegay waxaa markabka iyo shaqaalahaba lagu hayaa Xeebta Hobyo.

In muddo ahba xeebaha dalka waxaa ku soo badanayay maraakiibta sida sharci darrada ah uga kalluumeysanaya.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com