Gudoomiye Jawaari oo beeniyay in caafimaadkiisu liito

Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya ayaa beeniyay wararka leesla dhex marayo barraha bulshada ee ku aaddan in xaaladiisa caafimaadeed liidato.

Gudoomiye Jawaari ayaa tilmaamay in baaritaan guud oo dhanka caafimaadka ah uu u tegay goobaha caafimaadka, natiijo wanaagsanna uu ka helay.

Jawaari ayaa warkan ku sheegay qoraal uu saqdii dhexe ee xalay soo dhigay bartiisa xiriirka bulshada ee Facebook.

Qoraalka Jawaari ayaa u qornaa “Waxaa baraha bulshada leesla dhex marayaa arrin ku saabsan caafimaadkayga, oo ay ku sheegeen inuu ildaran yahay. Warkaasi waa wax kama jiraan. Mahad Allah, waan caafimaad qabaa ee check up guud caafimaad ayaan u tegay isbitaalka, natiijo aad u wanaagsanna waan ka gaarnay. Sidaa ula socda, Mahadasinidiin.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com