Madaxweynaha Jubbaland oo gaaray Magaalada Garoowe (SAWIRRO)

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta gaaray Magaalada Garoowe ee Xarunta Dowlad Goboleedka Puntland.

Qoraal lagu daabacay barta Madaxtooyada Jubbaland ee Facebook ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu uu maalmo jooggi doono magaaladaasi.

Qoraalka ayaa u qornaa “Madaxweynaha Dowladda Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqasho maalmo qaadan doonta ku tegay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Waxaa Madaxweynaha si diiran u soo dhaweeyay masuuliyiinta Dowladda Puntland iyo dadweyne kala duwan.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com