Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow u ambabaxay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.
Socdaalka Ra’iisal Wasaaraha ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa la xiriira dardargelinta howlaha doorashooyinka ee dalka.


Ra’iisal Wasaaraha ayaa muddada uu ku sugan yahay magaaladaasi waxa uu kulamo kula qaadan doonnaa Madaxda Galmudug, Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaalka iyo Heer Dowlad Goboleed Galmudug.
Sidoo kale qaybaha bulshada ayaa la fillaya inuu kula kulmo magaaladaasi.
Booqashadan middii ka horeysay ayuu Rooble 14-kii bishii December ee sanadkii hore uu ku tegay Xarunta Galmudug ee Dhuusamareeb.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com