Rooble iyo sida loogu soo dhaweeyay Dhuusamareeb (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb, iyadoona si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Nuur.

Masuuliyiin uu horkacayay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo qaybaha bulshada ayaa wafdiga Ra’iisal Wasaaraha ku soo dhaweeyay garoonkaasi.

Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha ayaa magaaladaasi u tegay dardargelinta arrimaha doorashooyinka ee dalka.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa Dhuusamareeb kulamo kula leh Madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug, Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka, Saraakiisha Ciidamada iyo qaybaha bulshada.

Dhanka kale diyaaraddii uu la socday Ra’iisal Wasaaraha ayaa horey Magaalada Dhuusamareeb u gaysay dawo loogu talagalay goobaha caafimaadka ee Magaalada Guriceel, ka dib dagaalka dadka badani ku dhinteen ee bishii hore ka dhacay magaaladaasi.

Rooble ayaa lagu wadaa in Dhuusamareeb uu uga sii gudbo Magaalada Garoowe ee Xarunta Dowlad Goboleedka Puntland.

May be an image of 4 people and people standing
May be an image of 3 people and people standing
May be an image of 7 people, people standing and outdoors
May be an image of 7 people, people standing and outdoors
May be an image of 5 people, people standing and sky
May be an image of 8 people, people standing and outdoors
May be an image of 7 people, people standing and sky
May be an image of 6 people, people standing and sky
May be an image of 6 people, people standing and sky
May be an image of 4 people, people standing, people sitting and sky
May be an image of 10 people, people standing and sky
May be an image of 8 people, people standing and outdoors
May be an image of 7 people, people standing and sky
May be an image of 6 people, people standing and outdoors
May be an image of 4 people, people standing and sky
May be an image of 7 people, people standing and sky
May be an image of 10 people, people standing and sky
May be an image of one or more people, people standing and outdoors
May be an image of 6 people, people standing, people sitting and outdoors
May be an image of 10 people, people sitting, people standing and outdoors
May be an image of 2 people, people sitting and indoor
May be an image of 1 person, sitting, suit and indoor
May be an image of 1 person, sitting and indoor
May be an image of 4 people, people sitting, suit and indoor
May be an image of 4 people, people sitting and indoor
May be an image of 7 people, people sitting, people standing and indoor

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com