Rooble oo la kulmay Hoggaanka Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda

Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Hoggaanka Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa Hoggaanka Hay’adda Socdaalka kula dardaarmay dardargelinta howlaha iyo adeegyada ay hay’addu siiso shacabka Soomaaliyeed, sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiskiisa.

“Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay Hoggaanka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, isagoo kula dardaarmay xoojinta iyo dardargelinta howlaha iyo adeegyada hay’addu siiso shacabka Soomaaliyeed.”

Golaha Wasiirada Xukuumadda ayaa 31-kii bishii October Cabdulqaadir Cilmi Cali u magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda.

Cabdulqaadir Cilmi ayaa toddobaadkii hore xilka kala wareegay Agaasimihii hore ee hay’adaasi Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi).

May be an image of 8 people, people sitting and people standing
May be an image of 13 people, people sitting, people standing and indoor
May be an image of 7 people, people sitting and people standing
May be an image of 1 person and sitting
May be an image of 1 person and sitting
May be an image of 11 people, people sitting, people standing and indoor

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com