Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa la kulmay Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed, ka dib booqasho hal maalin qaadatay, oo Axaddii uu ku tegay Magaalada Addis Ababa.
Qoraal kooban oo ka soo baxay Madaxtooyada Kenya ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu uu wada hadalo gaar ahi la yeeshay Ra’iisal Wasaaraha dalkaasi.
Madaxtooyada Kenya ayaa sheegtay in booqashada Madaxweyne Kenyatta ee Addis Ababa, ay qayb ka tahay dadaalada Beesha Caalamka xalka ugu raadinayso colaadda dalkaasi.
Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed ayaa isna bartiisa Twitter-ka ku daabacay “Waxaan dalkiisa labaad ku soo dhaweeyay walaalkay Madaxweyne Uhuru Kenyatta.”
Booqashada Madaxweyne Kenyatta ee Magaalada Addis Ababa ayaa imaanaysa, maalmo ka dib, markii uu magaaladaasi isaga laabtay Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Geeska Afrika, Olusegun Obasanjo.
Olusegun Obasanjo ayaa sheegay in dadaalada nabadeed ay guuleysan karaan oo keliya, marka dhinacyada ay xabad joojin ka gaaraan xiisadda u dhaxeyso.
Obasanjo oo Khamiistii isaga tegay dalkaasi ayaa dhinaca kale rajo ka muujiyay in wada hadalo nabadeed lagu soo afjaro colaadda.
Antony Blinken, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka oo booqasho ku maraya dhowr dalka oo Afrika ah ayaa Isniinta maanta Magaalada Nairobi wada hadalo ku aaddan colaadda Itoobiya kula leh Madaxweynaha Kenya.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com