Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisal Wasaaraha Somaliya oo habeenkii labaad ku hooyanaya Magaalada Dhuusamareeb ayaa kulamo kula yeeshay Odayaasha Dhaqanka Galmudug.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa Odayaasha Dhaqanka kala hadlay xoojinta kaalintooda nabadgelyada, dib-u-heshiisiinta iyo doorashada, sida lagu sheegay qoraalka ka soo baxay xafiiskiisa.
“Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Magaalada Dhuusamareeb kulamo kala duwan kula yeeshay qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Galmudug, oo uu kala hadlay xoojinta kaalintooda nabadgelyada, dib-u-heshiisiinta iyo doorashada.” Ayaa qoraalka lagu sheegay.
Ra’iisal Wasaare Rooble oo Isniintii gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug ayaa u joogga dardargelinta arrimaha doorashooyinka ee dalka.









